Xarunta Gurmadka & Xiriirinta Qaraxyadii ka dhacay Soobe oo tirakoob ku sameyneysa Khasaaraha Naf & tan Hanti ee ka dhashay Qaraxyadaas.

0

Guddiga loo xilsaaray Gurmadka Dadkii dhibaatadu ku gaartay Qaraxyadii is xigxigay ee 29kii October 2022 ka dhacay Soobe ayaa sheegay in uu ku howlan yahay tirakoobka Dadkii dhintay, kuwa dhaawacmay, kuwa la waayay & Khasaaraha Hanti xaddigeeda.

Xarunta Gurmadka & Xiriirinta Qaraxyadii ka dhacay Soobe 29ka October waxaa ka socda howlo la xiriira sidii meel la isugu geyn lahaa tirada Dadka dhaawacyada ah ee laga diiwaangeliyay goobaha Caafimaadka, Dadka dhintay & kuwa la waayay si warbixin looga soosaaro.

Cabdirisaaq Axmed Cali, Agaasimaha Guud ee Yareynta Musiibooyinka ayaa sheegay mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka & Maamulka Gobolka Banaadir ay ka sugayaan gargaar ay ugu deeqeen Dadka dhibaateysan.

“Ummadda Soomaaliyeed meel weliba ha joogtee gurmad bay wadaan, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka waxa ay ku howlan tahay tirakoobka Dadkii dhintay, dhaawacmay, kuwii la waayay, qiimeynta Hantida burburtay haddii Gaadiid ama Guryo ahaan lahaayeen, waxaa halkaas ka dhashay Mid dhaawacmay oo naafoobay & mid agoon ka tagay, qof weliba waa in uu gacan ka geystaa Gurmadka” Cabdirisaaq Axmed Cali.

Xarunta Gurmadka waxaa laga sugayaa in ay soosaarto Dadka dhintay in ay gaarsiisan yihiin, kuwa dhaawaca ah iyo Hantidii ku burburtay Qaraxyda si loo ogaado baaxadda qaraxyadaas, MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si hordhac ah u sheegay in dhimashadu ka badan karto 100 ruux & dhaawaca 300 oo kale balse marweliba khasaaraha uu sii kordhi karo.