Xasan Sheekh “Madaxweynaha waxa uu sameynayo waa sidii nin gabar ay kala tageen weli ilmo dhaleyso”

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in dastuurka ku xadgudbay.

Shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay magaalada Muqdisho, ayuu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, isagoo si gaara isu dul taagay khaladaadka dhinaca sharciga ah ee dhacayay mudooyinkii la soo dhaafay.

Xasan Sheekh Maxamuud oo xiligan kamid ah hoggaanka ugu miisaanka culus ee madasha xisbiyada qaran ee dalka, waxa uu si cad u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu isku soo koobay dhammaan howlihii dalka ka socday.

Sida ay howlaha haatan u socdaan ayuu ku sifeeyay iney la mid tahay kali talisnimo, isagoo tusaale u soo qaatay Ra’iisul wasaare la’aanta dalka ka jirta mudo 53 maalin ah, iyadoo aan xitaa muuqan ifafaalo muujinaya iney socoto soo magacaabisteeda.

“Madaxweynuhu waxa uu sameynayo dastuurka sax kuma ahan, waxba kama duwana Madaxweynaha waxa uu sameynayo nin gabar ay kala tageen weli ilmo u dhaleyso, xaaskii ay kala tageen oo furay asoo weli xaas ay u tahay oo kale waaye, Xukuumadda maanta jirtana waa saas, sharci maaha waa sharci darro”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney dalka badbaadiyaan oo aysan ku sii fiirsan xaaladdan halista ah ee uu haatan ku sugan yahay, maadaama madaxweyne Farmaajo uu indhaha ka fiirsanayo xukuumad sharci darro ah oo dalka ka jirta.