Xildhibaan Aadan Madoobe oo ku guulestay doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS.

0

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo doortay Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, asiga oo ka guuleystay Xildhibaan Xasan Cabdinuur oo ay isla soo gaareyn.

Doorashada oo soo gaartay xilli dambe ayaa waxaa ku baratantay illaa sideed musharax balse waxa aan  hoolka doorashada imaan mid ka mid ah musharaxiinta, kaas oo ah Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, sidaas waxaa tartanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka loogu qabtay todoba Musharrax oo kala helay wareega koowaad:

  1. Cabdirashiid Maxamed Xidig oo helay 6 cod
  2. Cabdullaahi Aadan Axmed Black oo helay 33 Cod
  3. Aadan Maxamed Nuur Soronsoor oo helay 23 Cod
  4. Xasan Cabdi Nuur oo helay 98 Cod
  5. Saadaq Cabdullaahi Cabdi oo helay 5 Cod
  6. Shariif Maxamed Cabdalla oo helay 13 Cod
  7. Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe: 74 Cod

Waxaa wareega labaad u soo gudubtay afarta Musharax ee ugu codka badan kuwaas oo kala ah:

  1. Cabdullaahi Aadan Axmed Black oo helay33 Cod
  2. Aadan Maxamed Nuur Soronsoor oo helay 23 Cod
  3. Xasan Cabdi Nuur oo helay 98 Cod
  4. Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo helay 74 Cod

Cabdullaahi Aadan Axmed Black iyo Aadan Maxamed Nuur Soronsoor oo ka mid ahaa afarta Musharax ee ugu codka badanaa ee u soo gudubtay wareega labaad ee Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS  ayaa ka tanaasulay tartanka.

Labada mudane ayaa u tanaasulay Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo la tartami doona Xasan Cabdi Nuur.

Wareega labaad ee Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka  BFS ayaa waxaa ku baratantay  Xil. Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ooh lay 163 cod halka Xil. Xasan Cabdi Nuur uu helay 89 cod, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha KMG  Golaha Shacabka Danjire Cabdisamad Dhabancad.

Doorashada Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa la qaban doonta maalinta berri ah , saacadda marka ay tahay 11:00 Am, sida uu sheegay Guddoomiyaha KMG  Golaha Shacabka Danjire Cabdisamad Dhabancad.