Xildhibaan Beerey oo isaga tagay Xubinnimada Guddiga Doorashada Madaxweynaha 10aad JFS.

0

Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed (Beerey) ayaa isaga tagay xubinnimada Guddiga isku dhafka ah ee Doorashada Madaxweynaha 10aad JFS ee kala metalaya Golaha Shacabka & Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka.

Xaanshi uu ku saxiixanay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sababta lagu sheegay arrin u gaar ah balse aanay la shaacin.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa buuxiyay booska uu banneeyay Xildhibaan Beerey ee xubinnada guddiga Doorashada Madaxweynaha JFS ee 10aad, waxaana booskaas lagu baddelay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh.

No description available.

 

Xildhibaan Maxamed Axmed (Beerey) ayaa deegaan-doorashadiisu tahay Magaalada Jowhar ee DG Hir-Shabeelle, waxa uu u tartamay xilka Guddoomiyaha Guddiga isku dhafka ah ee Doorashada Madaxweynaha 10aad JFS waxa uu helay 5 cod.