Xildhibaan Cabdirixmaan Xoosh Jabriil oo ku dhagan Madaxweyne Xasan Sheekh

0

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ah mudane Sharci yaqaan ah ayaa ka hadlay tallaabadii Madaxweynaha Somaliya uu xilka uga qaaday Guddoomiyihii maxkamada Sare ee dalka iyo sababta xilligaan ku soo beegtay.

Dowladda Somaliya hada waxa ay isku diyaarinaysaa Doorasho dalka ka dhacda, iyadoo Madaxda Dowladda qofkii ay u arkaan inuu caqabad ku yahay soo noqoshadooda ay meesha ka saarayaan si uusan caqabad ugu noqon.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay sababta xilligaan looga qaaday xilka Guddoomiyihii Maxkamada Sare ee dalka inay tahay in la doonaayo in si boob ah Kursiga mar kale dib loogu soo noqdo waa sida uu yiri.

Wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu galaya qalad Dastuuri ah, maadaama uusan sharciga siineyn inuu xil ka qaadis ku sameeyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare.

“Guddiyada Dastuuriga ah in la dhiso waa wax fiican in si dhakhsi ah loo dhisana waa raacsanahay, khaladkaan dhacay in la saxo waaye, arrinkaan haddey Madaxweynaha u hirgasho taas macnaheedu waxa weeyaan kulligeen waxaan ku tumaneynaa kala dambeyntii iyo Dastuurkii, ninkaan cusub ee uu magacaabay in dib loo eego oo la baaro inuu go’aan sharci uu soo saaray iyo in kale, Madaxweynuhuna waa in baarlamaanka hortiisa uu ka qirto ama warbaahinta inuu khalad galay.” Ayuu yiri Xoosh Jabriil oo u waramay Goobjoog.

Xildhibaan Xoosh ayaa intaasi raaciyay in Dastuurka hada lagu shaqeeyo ee KMG ah Afar sano ka hor la diyaariyay, balse uu nasiib daro ku tilmaamay in lagu tunto.

“Waa Ayaan darro in 2016 anagoo 4 sanno ka hor dastuur soo diyaarsanay uuna ku saleysan yahay awoodaha kala baahsan oo aan isku xirneyn oo kala ah fulinta iyo sharci dejinta iyo garsoorka in aad mooddo in madaxweynihii ku tuntay sharcigii iyo dastuurkiina oo faraha lasoo galay garsoorkii.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamada Sare ee dalka iyo Guddoomiyihii Maxkamada Racfaanka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here