Xildhibaan Gaafow “Waxba kama jiraan warka ku qoran Website-ka dayniile ee sheegaya in Habarceeno la isku diray”

0

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu arkay war uu qoray website-ka Dayniile balse uusan isagu sheegin.

Sidoo kale waxa uu aad u canbaareeyay website-ka isagoo sheegay inuusan ku shaqeynin habka saxaafadda xorta ah ee uu dano kale ku shaqeeyo.

Waxa uu sheegay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn laguna marin habaabinayo umadda Soomaaliyeed gaar ahaan beesha Habarceeno, waxaa kale oo uu sheegay in website-ku qoray in aan shirka beesha habarceeno ka baaqan doono waana been kale oo weyn.

Ugu danbeyn waxa uu yiri “Aniga ahaan ma jiraan wax dhibaato ah oo naga dhexeeya dhammaan Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka, Haweenka iyo Dhallinyarada beesha, balse cidda warkaan qortay ayaa dhibaato raadis ah”.

(CIDDI DOONEYSO IN AY BEEN SHEEGTO WAA IN AY RAADISAA SIDAAN SI KA DUWAN)

MAHADSANIDIIN.