Xildhibaanada Galmudug oo ansixiyay golaha wasiirada uu soo dhisay Axmed Qoor-qoor.

0

Waxaa maanta cod aqbaliyad ah lagu ansaxiyay golahii wasiirada uu dhowaan soo magacaabay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, kaaso oo qudhiisa joogay fadhiga Baarlamanku ay yeesheen. Ka hor inta aysan xildhibaannadu u qaadin codka meel marinta ah ayaa waxa uu madaxweyne Qoorqoor ka dalbaday in ay aqbalaan oo ay u meel mariyaan golahiisa wasiirrada si loo wajaho shaqooyin adag oo u yaalla Maamulka Galmudug. Intaasi kadib 78 xildhibaan oo madasha fadhiyay ayaa meel mariyay xukuumadda uu soo dhisay madaxweynaha cusub ee Maamulkaasi Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor. Wasiirrada maanta la ansixiyay ayaa waxaa horyaalla shaqooyin adag oo ay ka mid yihiin  hir-gelinta nidaamka dowladnimo iyo baahinta adeegga shacabka Galmudug ay u baahanyihiin. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa uga mahad celiyay Baarlamaanka Galmudug sida ay u ansixiyee Wasiirada,waxaana uu sheegay in la dardar gelin doono howlaha Maamulka. Wasiirada Cusub ee Galmudug ee Maanta la ansixiyay ayaa waxaa kamid ah Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka oo ay kamid yihiin,Axmed Macalin Fiqi iyo Saabir Nuur Shuuriye. Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo soo dhisay Xukumad ka kooban 25 Wasiir,25 Wasiir ku xigeen iyo 11 Wasiiru-Dowlowlo waxaana Maanta oo Axada ansixiyay Baarlamaanka labaad ee Dowlad-goboleedka Galmudug.