Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS oo ansixiyay saddex Hindise sharciyeed

0

Waxaa maanta xarunta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Villa Somaliya ka qabsoomay kulanka Golaha kaas uu shirguddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana goobjoog ka ahaa labadiisa ku xigeen.

Kulanka maanta ayaa ajandihiisu ahaa; Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisad,  Akhrinta 3aad iyo u Codeynta Hindise Sharciyeedka ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka, Akhrinta 3aad iyo u Codeynta Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta iyo Qeybinta warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumaysiga Soomaaliyeed.

Xildhibaannada ayaa dood ka yeeshay Hindise Sharciyeed Argagaxisada, Guddoomiye Aadan Madoobe oo cod u qaaday meelmarinta sharcigaan ayaa waxaa133 Xildhibaan, waxaa diiday Seddax Xildhibaan halka ay ka aamuseen Todobo Xildhibaan.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shcabka ee BFS ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka maareynta deegaanka, waxaana ogolaatay oo u codeysay sharcigaas 143 Xildhibaan, wax diiday iyo wax ka aamusay midna ma jirin.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa cod u qaaday Hindise Sharciyeedka dhowrista xogta, waxaana ogolaatay 143 Xildhibaan oo ah tirada soo xaadirtay kulanka maanta.

Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Argagixisad, Hindise Sharciyeedka maareynta Deegaanka iyo Hindise Sharciyeedka dhowrista xogta ayaa loo gudbin doonaa Golaha Aqalka Sare, si ay u meelmariyaan, waxaana loo sii gudbin doonaa Xafiiska Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.