Xildhibaano gaaraya 100 oo dhaqaaq siyaasadeed iyo Mooshin ka dhan ah Xukuumadda ka bilaabay Kenya

0

Doorashadii madaxweyne Farmaajo ku dhwaad 100 ildhibn ayaa u codeeyayay Madaxweynihii isaga ka horeeyay ee Xasan Sheekh oo tartan adag la galay Madaxweyne Farmaajo .

Iyadoo ay taasi jirto hadana  waxaa la sheegaya inuu madaxweynaha uu balan ka bax uu ku sameeyay qaar ka mid ah xildhibaanadii codkooda siiyay xiligii tartanka  doorshada .

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban labo gale ayaa hadda ku maqan fasax labo bilood ah , waxaana taasi ay keentay in qaar ka mid ah si xasarad siyaasadeed ay u abuuraan inay aadeen dalka Kenya.

Xildhibaanadaan iyo Sentaradaan labada ee Baarlamaanka ka tirsan ayaa meesha kaliya ee dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ka bilaabo karaan waxay u noqday magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya.

Xildhibaanada labada gole ee ku sugan Nairobi ayaa lagu qiyaasay inay ka badan yihiin boqol Xildhibaan, kuwaasoo noqon kara kooram buuxa, hadii kulan loo qabto.

Labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa si aad ah looga dareemay Nairobi kulamo iyo olole ay wadeen Xildhibaanada, waxaana kulamada ay ahaayeen kuwo siyaasadeed oo looga arrinsanayo xaalada dalka, waxyaabihii dhacay iyo qorshayaasha soo socda.

Xildhibaanada ololaha ka wada Nairobi ayaa u badan kuwii taageersanaa Madaxweynihii hore iyo Xildhibaano kale ka mid ahaa kuwii doortay Madaxweyne Farmaajo oo badankood qaba cabashooyin la xiriira balamo looga baxay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in isbaheysiga ay wadaan Xildhibaanadan uu ku wajahan yahay sidii Ramadaanka kaddib ama marka dib loo furo kulamada Baarlamaanka ay mucaarado adag ugu furi lahaayeen Xukuumadda, waxaana la sheegayaa in haatan Nairobi ka socdo olole lagu diyaarinayo mooshin ka dhan ah Xukuumadda Soomaaliya.

Inkastoo maalmo ay ka harsan tahay boqolka maalmood ee Madaxweyne Farmaajo xafiiska joogo, hadana inta badan Xildhibaanada ayaa aamusan, una kaadinaya maalmahaas marka ay soo dhamadaan, si ay mowjado dhaliilo ugu furaan waxyaabihii mudadaas la qabtay iyo in aanay waxba ka hirgelin balan-qaadyadii Madaxweynaha uu sameeyay intii ololaha ku guda jiray.

Shaki kuma jiro in mowjado siyaasadeed ku furmi doonaan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre marka dib u furmo kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka, hase ahaatee waxay u baahnaan doontaa farsamo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uga gudbaan turaan-turooyinka ku soo wajahan, waxaana dariiqa kaliya ee looga gudbi karo uu noqon karaa inay kala fur furaan Xildhibaanada, hadii taasi dhicin waxaa suura gal noqon kara in dalku galo xaalad u eg kuwii horay loo arkay.

Xogdoonnews:

Muqdisho Somali

Xogdoon2015@gmail.com