XISBIGA BAD BAADADA UMMADDA SOOMAALIYEED OO BAAQ U DIREY DOWLADA FEDERAALKA

0

 

KU:  DHAMMAAN WAX GARADKA SOOMAALIYEED             

  KU:  BAARLAMAANKA FEDRAALKA SOOMAALIYA                                                                 

 KU:  MADAXWEYNAHA FEDERAALKA  SOOMAALIYA                                                                                      

 TALADA HADDDII AY IDINKA LUNTO WAXAAD HALIS U TIHIIN TURUN TURO!

Walaalayaal  Anoo ku hadalayo Magaca Xisbiga SNSP waxaan idiin soo gudbineynaa Salaan kalgacey ku dheehan tahay, saad ogsoon tihiin Shacabka Soomaaliyeed oo ku soo Naafoobay Colaado Wejiyo Farabadan oo Cilmi iyo Caqli ku dhisneen iyo isqabqabsi Siyaasadeed oo Dadka iyo Dalka Soomaaliya Dani ugu jirin.

1-Madaxda Barlamaanka waxaan xusuusineynaa wax badan oo Loo baahnaa in laga hadlo waajib Eheed  ayaad ka baaqsateen sidda Ummadda Soomaaliyeed oo ku dhibateysan Xabsiyadda 1-Sacuudiga 2-Masar 3-Keanya oo qaar kood ku dhintaan 4-Tanzaniya 5-Sudafrika 6-Liibiya- Hindiya-Gariiga iwm. Danaha Siyaasiga leeyahay waxaa ka Qiima Badan Danta Guud oo Dadka iyo Dalka Leeyihiin. dhanka kale.

Xukuumadda waa Insaan waay Qaldami Karaan waa in si Asluub ah wax Loogu sheegaa Ayadoon Faraha Leesku Fiiqin. Waxaa Muhiim ah in laga hadlo Baahidda dhabta ah oo wax laga Qaban sidda.

-Amniga –Dhaqaalaha –Caafimaadka-waxbarashadda-Dadka Tabarta daran ee Miyi iyo Magaalo Joogo. Heyadda Dastuuriga ah ee Barlamaanka waxaa laga doonayaa Shaqadii Loo Abuuray ee Sharci Dejinta in ay u Shaqeyaan Shacabkii soo Doortay in eey ku Dadalaan in eey is Fahamsiyaan Dowladda iyo Shacabkeedda. Madaama wadanku uu soo maray xiliyo Muruga leh,waxaa laga donayaa Xildhibaanadda in eey ka Fogaadaan wixii Abuuri karo Xasilooni Daro. waxaan Xususineynaa Madaxdda Qaranka  Soomaaliyeed in eey ogaadaan Siyaasda in eey ku Dhisan Tahay 4.5 Ummadd waa in eey iska Arkaan Miraayadda Dalka. waa kaas Hadafka Xisbiga SNSP.

 

Gudoomiyaha Xisbiga Mudane Sheikh Muuse Sheikh Alin

+4474048454/+252 615525201/ +447424655302 mail: xisbigasnsp30@gmail.com  www.xisbigasnsp.com