XISBIGA SAMU OO TAAGEERAY ANSIXINTA SHARCIGA DOORASHOOYINKA

0

Mas’uuliyiinta Xisbiga Sinnaanta Ammaanka  iyo u Ololeynta Midnimada ee SAMU ayaa kulan ballaaran ku yeeshay Xarunta Xisbigaas ee Magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ahaa mid Taageero loogu muujinayay Ansixintii dhawaan uu Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya uu ansixiyay  Sharciga Doorashada Dalka.

Kulanka ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Mas’uuliyiinta ay ka mid yihiin Cabdulqaadir Cabdullaahi Cali, Maxamed Nuur Cali “Baba” Dr Maxamed Cosmaan Jabriil  Marwo Cafiifa Shiikh Maxamed  kuwaasoo dhamaantooda ka hadlay Taageerada ballaaran ee Xisbigoodu u hayo Sharcigaas la ansixiyay iyagoona ugu baaqay Axcsaabta kale  ee Dalka in si Caddaaladi ku jirto loogu Guntado Doorashada 2020 iyo 2021.

Gaba gabadii Kulanka ayaa waxaa Khudbad ballaaran ka soo jeediyay Guddoomiyaha Xisbiga SAMU Ugaas Aweys  Xuseen Honero oo Bogaadiyay Saxiixii uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu meel mariyay Sharciga Doorashada Dalka.

Guddppmiyaha ayaa tibaaxay in laga gudbay xilligii Doorashooyinka Dalka lagu salayn jiray Nidaamka 4.5 hadda wixii ka danbeeyana Soomaaliya ay u gudubtay Nidaamka Dooirasho oo qof iyo Cod ah.

Ugaas Honero  ayaa ugu baaqay Xisbiyada kale ee Dalka in ay la yimaadaan Nidaam iyo qaab habaysan si doorashooyinka la filayo ay u noqdaan kuwo ku dhaca Xaq Xalaal isagoona ugu danbayntii u rajeeyay Taageerayasha Xisbiga SAMU in ay isu diyaariyaan wixii hadda ka bilowda  Doorashooyinka la filayo