Xog: Farmaajo iyo Khayre oo abaabulaya Banaanbax ka dhan ah Xasan Sheikh & Sheikh Shariif.

0

Warar ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay abaabuleyso dibad bax looga soo horjeedo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Xoogaga wadniyiinta, Ururada Haweynka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu war-geliyay inay diyaariyaan shacab banaabax sameeya, kuwaas oo loo dhiibayo boorar ay ku qoran yihiin erayo lagu sumacad dilayo madaxdii hore ee qaranka oo beryahaan warbaahinta la taagnaa dhaliilo ka dhan ah madaxda dowladda Soomaaliya.

Maalinta berri ah ayaa la qaban qaabinayaa in banaabaxaas uu Muqdisho ka dhaco shacabkana ay la hadlaan hoggaamiyaal bulsho kuwa diimeed iyo kuwa dhaqan oo dowladda taageersan.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in banaabaxa inta uu socdo jidadka loo xerayo dibad baxayaasha si farriintooda ay u noqoto mid gaarta meesha loo dan leeyahay, oo aanay u dhalan carqalad amni oo baajisa.

Horay waxaa u jiray warar sheegayay in madaxweynayaashii hore ee dalka ay dhankooda qaban qaabinayeen dibad bax ka dhan ah Dolwadda Federaalka Soomaaliya oo ka dhaca magaalada Muqdisho.