Xog: Kenya oo Diyaarado Military Ku Daabulaysa Madaxda u socda Caleema-saarka Axmed Madoobe

0

Ilo madax banaan oo ay Heshay Xogdoonnews ayaa sheegaya in Dawlada Kenya ay naqshad cusub la timid oo ku aadan inay taageero ballaaran u fidiso Maamulka Axmed Madoobe Hogaamiyo.

Kenya ayaa waxay iska indho tiri doontaa sida la sheegay Go’aanka Xanibaada Ee Soomaaliya hay’adeeda Duulista kusoo rogtay Kismaayo.

Waxaa jira siyaasiyiin iyo waxgarad Kismaayo inay tegaan u gaaray Nairobi oo Safarkooda halkaasi kaga galaya Caleemo saarka.

Diyaarado ayey Kenya udaabuli doontaan Kismaayo iyadoo Qeybaha kala duwan Ee Dadka la casuumay la sheegay in laga soo qaadayo Nairobi.

Waxaa la is weydiinayaa Qorshaha Kenya iyo sida ay udhaqan geliso xilli weli Xayiraadii aheyd Kismaayo diyaaradaha usocda ay qasab ku tahay inay soo maraan Muqdisho iyo waxa ay Kenya kaga sariigan doonto Xanibaadaasi.

Mas’uuliyiin Xilal ka haya Dawlada Soomaaliya,qaar hore xilal usoo qabtay, Siyaasiyiin iyo Culimaa’udiin ayaa la sheegay inay Diyaarado Meliteri Ay Kenya qorsheysay inay Kismaayo ku geyso oo ay Nairobi ka qaado.

Hadii ay sidaas dhacdo waxay ka madax banaan noqon doontaa Xayiraadii Dawlada Dhexe soo rogtay maadaama diyaaradaha Meliteriga aysan ku jirin Amarka mid ay saameneyso.