Xog: kismaayo oo qarka u saaran Dagaal qarxa

0

Magaalada Kismaayo waxaa isugu dhaartay madaxweynayaasha aan la aqoonsaneyn ee Jubbaland sida Axmed Madoobe oo maalin ka hor lagu caleema saaray Magaalada Kismaayo, C/naasir Seeraar iyo C/rashiid Xidig oo Labadooba sheegta iney yihiin madaxweynayaasha Jubbaland.

C/rashiid Xidig ayaa wacad ku maray inaan nabad lagu ladi doonin inta uu kursiga madaxtinimo ee Jubbaland uu xoog ku sheeganayo Axmed Madoobe oo taageero weybn ka helaya Kenya iyo qaar ka mid ah madaxdii horay dalka u soo martay.

Sidoo kale, madaxweynaha Jubbaland uu Khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Xafladiisa caleema saarka ayaa sheegay inuu gogol nabadeed u fidinayo cid kasta oo wax ka tabaneysa,islamarkaana haddii ay soo hagaagi waayaan isaga uu u hagaagayo.
Sidoo kale, Beelaha qaar ee dhaliilsan hanaanka maamul ee Axmed Madoobe ayaa dhankooda saluugsan sidy Kismaayo wax uga socdaan,waxayna ku baaqeen in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira si maamul loo dhan yahay loogu helo Shacabka Jubbaland.

Dareen cabsi ayaa mar kasta ka jirta magaalada Kismaayo,maadaama dhinacyada is diidan ay isku horfadhiyaan magaalada oo ciidamo hubeysan kala hoggaaminaya.

Dowladda Federaalka iyo Beesha caalamka ayaa si cad isugu raacay in afduub ay ahayd doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo,islamarkaana hadda ka dib Shacabka Jubbaland loo qabanayo doorasho loo dhan yahay.