Xog: Mooshin ka dhan ah Khayre oo Kenya lagu diyaariyay

0

Warar hoose oo ay heleyso Xogdoonnews ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka ay kulan gaar ah Magaalada Nairobi kula yeesheen Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug.

Siyaasiyiinta kulanka kasoo dhex muuqday waxaa ka mid ah Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur Warsame iyo Xildhibaanada sida i dhaliilsan Dowlada Fiqi iyo Cosoble iyo kuwa kale.

Kulankan oo Albaabada u xirnaayeen isla markaana aan la wada ogaan karin guud ahaan waxyaabaha looga hadlay ayaa Sarkaal kulanka goobjoog ahaa wuxuu Warqaad si hoose ugu sheegay in Maamul Gobaleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ay wada shaqeyn dhow la yeeshaan Xisbiyada Mucaaradka.

Sidoo kale waxaa kulanka si weyn loogu falanqeeyay Mooshinka loo abaabulayo Ra’iisul wasaare Kheyre oo Madaxda Maamul Gobaleedyada ay balanqaadeen inay kala hadli doonaan sidii loola xisaabtami lahaa Xukuumadda Xildhibaanada ku matala Baarlamaanka.

Warar kale aan heleyno ayaa sheegaya in Maamul Gobaleedyada iyo Xubnaha Mucaaradka ay kulan wadajir ah la qaadan doonaan Xubnaha Beesha Caalamka ee ku sugan Magaalada Nairobi, iyagoo kala hadli doona in laga hortago Waqti Kororsi ay sameeyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre.