Xog: Mooshin ka dhan ah Wasiir Oomaar oo loo gudbiyay Gudonka Golaha Shacabka

0

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in guddoonka Golaha Shacabka loo gudbiyay mooshin kalsoonida loogala noqonayo Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Salaad Oomaar.

Xildhibaanno katirsan golaha shacabka oo uu ka mid yahay Xildhibaan Maxamed Idriis ganey ayaa gudbiyey Mooshinka oomaar ka dhan ah,waxaana mooshinka looga doodayaa kalafadhiga 6-aad kulamadiisa uga horeeya,sida illo xog ogaal ah inoo xaqiijiyeen.

Xildhibaanada Mooshinka keeney ayaa lagu waramayaa ineey doonayaan in kalsoonida ay kala noqdaa Wasiirka waxaana lagu eedeeyey kutumasho Qodobo Dastuuri ah.

Xildhibaan Maxamed Idirs Ganeey ayaa ka mid ah tiro Xildhibaano ah oo ku xayiran magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland,halkaasi oo ay saaran tahay xayiraad dhanka duulimaadka ah inkastoo horay Xukuumadda u shaacisay iney xayiraadda qaaday.