Xog: Wasiir xilka laga qaaday oo weli mushahar ka qaata DF, qof kalena aan xilkiisa loo magacaabi karin

0

Heshiis sanado ka hor dhacay balse hadda uuna dibadda usoo baxay ayaa sheegaya in mushaarkiisa oo aan wax laga jiray uu bil walba qaato wasiir kuxigeenkii  hore ee wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud, sanadkii 2018 ay weerareen booliska Soomaaliya kadib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Wasiirkaan oo markii dambe lagu waayey wax dambi ah ayaa la sheegay in beeshiisa ay dalbatay in dib loogu celiyo shaqadiisa, hase yeeshee waxaa arrintaasi diiday Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, taas oo sababtay in beeshu dalbatay in kursigaas aan loo magacaabi karin qof kale iyo mushaarkiisa la siiyo wasiirkii shaqada laga eryay.

Laba sano kadib, ilaa hadda xilkaas qofna looma magacaabin waxaana sababtu lagu sheegay in la oofinayay dalabka beesha kursigaan leh markii loo eego nidaamka awood qeybsiga dalka.

Inkastoo heshiiskaas wali uusan wax iska bedelin ayaa haddana waxaa la sheegayaa in mushaarkiisa wax laga jarto wasiirka oo la sheegay khilaaf siyaasi ah darteed musuq maasuq loogu eedeeyay.

Lama oga waxa iska bedeli doona heshiiskan haddii la magaacabo Ra’iisul Wasaare cusub iyo in beesha wasiirka oo kursigan leh ay la iman doonto qof kale iyo in kale.