Xog: wiil Baydhabo kula Kulmay RW Khayre oo la qafaashay

0

Dabley hubeysan ayaa waxaa lagu waramayaa in ay qafaasheen mid kamid ah dhalinyaradii magaaladda caasimada ah ee Baydhabo kula kulantay ra’iisul wasaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

Wiilkaan oo magaciisa lagu soo koobay Axmed Madey, ayaa waxaa la sheegay in galabnimadii shalay oo Isniin ahayd laga afduubtay duleedka Koonfureed ee caasimadda maamulkaasi.

Axmed Maadey ayaa waxa uu kamid ah arday mid kamid ah Iskuuladda ugu caansan magaaladda, wallow wakaaladda wararka Warqaad laga codsadey in ay magacaabin iskuulka.

Ehelkiisa ayaa waxay xaqiijiyey in aysan wali wicitaan ka helin, balse ay ka shaqeynayaa sidii loo heli lahaa, iyaga oo maamulka iyo dowladda waydiistay in ay la baadigoobaa cunugooda.

25-sano jirkan oo ah curudka qoyskiisa ayaa waxaa laga cabsi qabaa in uu u gacangalo dagaalameyaasha AlShabaab, taasi oo shaki gelineysa in uu badbaado hadii aysan wax isbedelin.

Sikastaba ha ahaatee, amniga degaanadda Koonfur Galbeed ayaa ah mid aanan laysku haleyn karin, waxaana magaalooyinka qaar ee maamulkaas ay go’doon ugu jiraa AlShabaab