Xog: Xasan Shiikh oo Hugaamiyana Afganbi ka dhan ah Farmaajo

0

Dawlada Federaalka Ee Soomaaliya ayaa waxay hadda wajaheysaa culeyskii siyaasadeed Ee ugu badnaa islamarkaana siriqdii ay dhigeysay la sheegay inay iyada ku dhacday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadda Dalka Ka Maqan,waxaana lasoo sheegayaa in Amarada ugu badan Ee Dawlada go’aankeeda uu qaadanayo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxay Tani ka dhigan tahay in Shaqada ugu badan Ee Qaranka Hadda uu Wasiirka Koobaad wado,xitaa Kusimaha Madaxweynaha isagoo Aheyn.

Kulamo siyaasadeed oo ballaaran ayaa jiray saacadihii lasoo dhaafay oo qaarkood Qaab beeleed u abaabulnaa,taas oo Beel weynta Hawiye ka caroodeen wixii shalay ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Ee Shariif Sheekh Axmed Lagu hor istaagay Safarkiisii Kismaayo.

Waxay Siyaasiyiin ay sheegeen in bilo ka hor uu ka bad baaday Farmaajo Afgembi lagu sameeyo Dawlada balse hadda ay umuuqato mid mar kale tijaabadii uu sameenayey lugaha la galay.

Xaniinyo Qabashada Waxgaradka Muqdisho,Siyaasiyiinta Hawiye iyo Taakada la saaray Dadka ka fikirka duwan Dawlada waxay muujisey in Cududooda isku geeyaan islamarkaana ay hadda abaabulaan sidii Dawlada Albaabadeeda loo soo xiri lahaa.

Inkastoo waxyaabaha qaar la isku fahmi waayey kulamadii dhacay hadana waxa lagu heshiiyey in la helo wadiiqo aan xabad aheyn oo Siyaasad meesha looga saaro Farmaajo Dawladiisa.

Dabinada Siyaasadeed Ee Socda ayaa waxa hormuud u ah Xasan Sheekh Maxamuud iyo C/qaadir Cosoble Cali,taas oo laga digayo inay xaaladu meel culus gaarto,hadii isbadel cad la imaan Dawlada Federaalka Madaxda hadda hogaamiso.