XOG: Yaa Faa’iido U Arkaya Dagaalka Siyaasadeed Ee Dalka Ka Qarxay?

0

Inta badan xilliyada Kala guurka iyo Isku dhacyada Siyaasadeed ayaa waxa ka dhasha Marxalado kala duwan oo dadka badi aysan ka digtoonaan waxa ka dhalan kara.
Qeyladii Yeertaa Qoleysan kaga darin ayey hore Soomaalida ugu maah maahday.
Hadaba waxaa la sheegayaa in Xurgufta Siyaasadeed ee waddanka lugaha la galay ay ku xeen daaban tahay Halis Amni oo la iska indho tiray.

Inta badan Al Shabaab ayaa faa’iido u arka Quwadaha Ay la dagaalameysay markii ay hubka isku jeediyaan Ee ka bilowda Afka Lagu diriro Qalabka Iclaamka iyadoo la adeegsanaya.
Sargaal hore oo katirsanaa Ciidankii hore Ee Soomaaliya ayaa Warqaad usheegay inay Muhiim tahay ka fekirida Marxaladihii Dalka soo maray oo aan dib loogu celin.
2011-kii Bishii Augusto ayaa AL Shabaab laga saaray Muqdisho,Xukuumadii uu Ra’iisal Wasaaraha ka ahaa Maxamed C/llaahi Farmaajo,Madaxweynaha waxaa ahaa Sheekh Shariif.Xukuma Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Saacada ayaa wareegtay,Maalmuhuse waa isbadeleen,Wadciga ayaa ah mid Cashar reeba,Siyaasaduna waa Sakiin Labo Afle oo hadba dhinac wax usari karta.
Sargaalka ayaa sheegay inay muhiim aheyn in La dagaalo oo Cadow la isku arko iyadoo Dalka ay Al Shabaab gees walbo kaga Hareereysan yihiin.
Xilliyadaan oo kale markii ay sidaas xaaladu noqoto ayey Al Shabaab ayaa soo qaada weeraro oo ay ka faa’iideystaan isku dhacyada Siyaasadeed Ee Waddanka uu jiro.