Xogta-Xogdoon: RW Khayre iyo Wasiir Islow oo Faaiido wayn ku qaba Dhagaxda lagu gooyay jidadka Muqdisho

0

Afhayeenkii hore ee wasaaradda amniga Soomaaliya, Cabdicasiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) ayaa si adag uga hadlay xirnaashaha jidadka Muqdisho oo dhibaato ay ku qaban shacabka ku dhaqan gudaha Caasimadda.
Cabdicasiis Xildhibaan oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho u xiran yihiin arrimo ganacsi, islamarkaana aysan aheyn arrimo amni, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in shirkadda sameysa dhagaxyada lagu gooyo jidadka ay shirko ku yihiin wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Ras’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre.
“Wadooyinka Muqdisho waxey u xiran yihiin arrimo Ganacsi, ma ahan arrimo amni, shirkadda sameysa ee ka ganacsatada Dhagaxyada lagu gooyo Jidadka Muqdisho waxaa leh wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Isloow, waxaa shirko kula ah Ra’isul Wasaare Kheyre, waxey kamid yihiin askarta bil walba 500$ ilaa 700$ ayaa mushaar ahaan loogu bixiyaa,” Afhayeenkii hore ee wasaaradda amniga Soomaaliya, Cabdicasiis Xildhibaan.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in loo turo shacabka, lagana qaado culeyska dhinaca waddooyinka ee saaran muddo dhowr bilood oo xiriir ah, wuuxuna tilmaamay in amni aan lagu sugi karin dhagax meel yaal ee loo baahan yahay qorshayaal kale.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo aysan weli dowladdu ka jawaabin cabashada dadweynaha ee la xariirta waddooyinka xiran iyo dhibaatooyinka xoogan ee ka jira