Xogta-Xogdoon: Xasan Sheikh & Sheikh Shariif oo Qorshe gaar ah ka damacsan shirarka Kismaayo

0

Wali waxaa magaalada Kismaayo ka socda kulamada ay leeyihiin siyaasiyiinta,Xildhibaanada,Waxgaradka iyo madaxweynayaashii hore ee dalka,kuwaasi oo halkaasi u tagay caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa si gaar gaar ah iyo si guudba ula kulmaya xubnaha kala duwan ee ku sugan magaaladaasi,kuwaasi oo dhammaantooda si aad ah u dhaliilsan hanaanka shaqo ee Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland wuxuu kulamo la yeeshay Siyaasiinta qaarkood oo ay ku jiraan Madaxdii hore, waxay ka wada hadlayaan arrimaha siyaasadda gudaha ee waqtigan, waxaana xogaha aan helnay ay sheegayaan in ay socdaan kulamo abaabulan.

Puntland, waxay doonaysaa in lasoo saaro qorshe lagu hagayo Siyaasadda dalka, sidaas oo kalena waxay hadda si buuxda dagaal ula galaysaa dawladda Faderaalka Soomaaliya oo ay u aragto in ay ka leexatay Jihadii Siyaasadeed ee heshiiska lagu ahaa.

Qodobada xasaasiga ah ee laga hadlay waa uun hanaanka doorashada soo wajahan iyo sidii dhinacyada oo dhan ay qori lahaayeen qorshe ay isku og yihiin oo aan khilaaf dhexdooda ah ka jirin.

Sidaas oo kale, In beesha Caalamka loo yeero oo ay wada hadaladooda Kismaayo kusoo biiraan qaar kamid ah dhinacyada ayaa rumeysan oo aaminsan, waxayna xooga saarayaan sidii meelmar looga dhigi lahaa damacaas.

Dhinaca kale, warar soo baxayo ayaa ku waramayo in ay sidaas oo kale madaxweynayaashii hore doonayaan qorshe kale oo ah in madasha Isbaheysigooda lagu wada biiro oo ay dhinacyada oo dhan qeyb ka noqdaan, laakiin Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa diidan.