Xubno ka socda Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay  oo maanta imaanaya Muqdisho

0

Xubnahan ka socda Gollaha Amaanka ee Q.M ayaa maanta waxa ay imaanayaan magaalada Muqdisho waxaana ay kulamo la yeelanayaan Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa lagu wadaa xubnahan in ay dowladda kala hadlaan Doorashada sanadkan la filayo in ay ka dhacdo dalka iyo waliba qaabka loogu diyaar garoobayo.

Xubnahan ka socda Gollaha amaanka ee Q.M ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa in ay la kulmaan qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyada iyo xubno ka tirsan qeybaha kale ee bulshada rayidka iyagoo ka wareysanaya xaaladaha haatan uu dalka marayo iyo heerka diyaar garowga ku aadan Doorashada sanadkan la filayo in ay dalka ka dhacdo.

Waxaa sidoo kale la filayaa in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Gollaha amaanka Q.M mar kale ka codsado in laga qaado cunaqabateynta dhanka hubka ah ee saaran Soomaaliya ay ka qaadaan.

Madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa horey ugu heshiiyay in ay waqtigeeda qabsoonto Doorashada oo dowladda haatan jirta aan waqti kordhin loo sameyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here