Xukum Dil Ah Oo Lagu Fuliyay Askari Q Of Shacab Ah Ku Diley Degmada Luuq

0

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa saaka waxaa ay xulun dil toogasho ah ku fulisay Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) oo horay u dilay Darawal Mooto Bajaaj.

Cabdi Xuseen oo ah askariga dilka lagu fuliyay ayaa waxa uu ku dhex dilay Saldhigga degmada Luuq mid kamid ah dhalinyarada magaalada Luuq ee ku shaqeysta mooto bajaajta

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qeybta 27aad ayaa ku eedeysay Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) in uu sibareer ah ugu dilay Marxuum Sugow Gaarane Ciyow oo ahaa Bajaajle 3/3/2021 Saldhiga degmada luuq oo katirsan Gobolka Gedo.

Goobta lagu qisaasay askarigan dilka geystey ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ehelada marxuumka uu hore u diley dadweyne kale.