Xusuusta 14 October: Xasan Sheekh oo Soomaalida ugu baaqay Midnimo

0

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay midnimo iyo in wadajir loo wajaho cadowga Soomaaliyeed, si loo joojiyo dhiigga shacabka ee qubanaya.

Isagoo ka hadlayay sanad guuradii 3aad ee ka soo wareegatay qaraxii weynaa ee Isgoyska Zoobe ee 14 October oo ay ku dhinteen dad ku dhow 1000 ruux ayaa waxa uu tacsi u diray mar kale eheladii ay ka baxeen dadkaasi; “Ehelkii iyo qaraabadii ay dadkaas ka baxeen waxaan leeyahay, Samir iyo iimaan Alle ha naga siiyo, jannadii Fardowso Alle ha geeyo, kuwa lagu tilmaami karo inay mujaahidiin ahaayeen waa kuwaas”

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhiigga dadkii aan waxba galabsan ee k u geeriyooday aan si fudud lagu illaawi karin.

“Lama illoobi karo lagamana sii socon karo, waa arrin u baahan in la soo xiro, mana xirmeyso ilaa dadkii waxaan ka dambeeyay la soo helo oo caddaaladda la hor keeno” ayuu yiri .

14 ki Oktoobar 2017 ayuu qarax weyn oo ka dhacay isgoyska mashquulka badan ee Zoobe waxa uu galaaftay ku dhowaad kun qof.