Yey aheyd xildhibaan AUN Aamina Maxamed Cabdi?

0
Mohamud Ali Haji Osman

Allaha u naxariistee waxaa xalay qarax ka dhacay magaalada Baledweyne lagu dilay Allaha u naxariistee xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo markale u sharraxneyd kursiga tirsigiisu yahay HOP#135 ee Golaha Shacabka Somalia.

Marxuumadda ayaa waxaa lala beegsaday qarax ismiidaamin ah oo ay ku dhimatay. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxyadii Beledweyne.

Yey aheyd xildhibaan Aamina?

Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ayaa ku dhalatay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo waxbarshadeedii dugsiga hoose, dhexe, sare ilaa heer jaamacdeed ay ku so qaadatay.

Waxaa ay shahaadada culuumta ganacsiga ay sanaddii 2010-kii ka qaadatay jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho.

Waxaa ay sidoo kale isla jaamacadda ka sameysay shahaadada Mastarka. Marxuumadda ayaa waxaa ay siyaasadda ku soo biirtay sanaddii 2012 markaasi oo xildhibaan loo doortay.

Xildhibaan Aamina Maxamed ayaa mar kale sanaddii 2016 loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Intii ay baarlamaanka ku jirtay waxay ka mid ahayd xildhibanada dumarka baarlamaanka ugu firfircoon. Waxaa ay ka mid ahayd intii baarlamaanka ku jirtay xubnaha guddiga baarlamanka ee arrimaha bulshada.

Siyaasadda ka hor.

Xildhibaan Aamina Maxamed ayaa ka hor inta aysan siyaasadda ku soo biirin waxay ahayd maclimad wax ka dhigta iskuulada magaalada Muqdisho.

Sida ay ku sheegtay wareysi uu la yeeshay mid ka mid ah telefishinada maxaliga ah waxaa ay sidoo kale mar ahayd maclimad dhigta dugsi quraan.

“Inta aanan noqon macallinka iskuulka, macalin dugsi ayaan ahaa, ayay tiri mar ay wax laga waydiiyay taariikhdeeda.”

Marxuumad Aamina ayaa sheegtay in xilligii ay macallin dugsiga ahayd sanadihii 1992 ilaa 194 magaalada Muqdisho amaankeedu ahaa mid aad u xun islamarkaana ay caqabado badan la kulmi jirtay.

Allaha u naxriistee xildhibaanad Aamina ayaa sidoo kale sheegtay in intii ay macllimadda ahayd islamarkaana ay Muqdisho amni darrada ka jirtay ay la kulantay dhacdooyin badan oo ka yaabiyay.

Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi ayaa waxaa ay dadka inta badan ku xusuustaan sidii ay ugu dooday Ikraan Tahliil Faarax oo ay nabad sugidda sheegtay inay dileen Al-Shabaab.

Mohamud Ali Haji Osman
Xogdoon News