Yuusuf Garaad;”Aniguba Mar Baan Dhacay!!”

0

Yuusuf Garaad Cumar oo ka mid ah ruugcadaaga saxaafadda ee dalka Soomaaliya isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay dowlada Soomaaliya ayaa boggiisa facebook waxa uu ku soo bandhigey sheeko ku saabsan mar uu ku dhacay fasalka labaad ee dugsiga hoose iyo sida ay ugu noqotay cashar uu ku dhisay mustaqbalkiisa.

Qoraalka Yusuf Garaad ayaa ku bilowday sidan;

Markii aan arkay natiijada imtixaanka Dugsiyada, aad ayaan u dhibsaday ardayda faraha badan ee aan gudbin.

Dow ma aha in xukun ku saleysan mala awaal aan ku rido, ama aan canaan kala dul dhaco mid ka mid ah dhinacyada faraha badan, ee toos ama si dadban u yeelan kara mas’uuliyadda mar-fashilka.

Mana doonayo in aan khafiifiyo dhaawaca ay natiijada imtixaanku ku leedahay maskaxda ardayga iyo waalidka, hammigooda, dhaqaalahooda iyo qabkoodaba.

Waxaanse rabaa in aan khibraddeyda shakhsiga ah la wadaago ardayga dhacay, maaddaama aniguba aan mar dhacay.

Dhicitaan hadba waa sida aad ka dhigato

Mustaqbalkaagu kuma xirna hal mar oo aad natiijo imtixaanka ku hungowday, sabab kasta ha keentee.

Inkasta oo guusha lafteedu ay u baahan tahay maareyn, guuldarrada ayaa ah midda sida loo maareeyaa ay dad kala reebto.

Gaabis ama guul darro in aad ka kabataa waxay u baahan tahay gegsi ama adkeysi, kalsooni aad isku qabto, awood maskaxeed iyo mid wax qabad. Iyo in aad leedahay bartilmaameed aad higsaneyso.

Haddii aad intaa la timaaddo oo guul darradii ku soo wajahday aad cashar ka barato, meeshii ay dib-u-dhac ku gelin lahayd, iyada ayaad fursad u beddeli kartaa.

Dadka guul darro la kulma, qof wuxuu dhex degaa guul darrada oo uu hooy ka yeeshaa. Xanuunkeeda ayaa ka adkaada. Wuxuu galaa meerta meerto murugo ah oo uu hoos u sii tiimbado ilaa ay aakhirka la degto.

Meertada murugada ahi waxay ka kooban tahay niyad jab u diida in uu hore u tallaabsado, ciil-kaambi aan dhammad lahayn, far-fiiq aan loo meel dayin iyo in uu afkiisa isku beri yeelo.

Waxaas oo dhan xaaladda waxba kama beddelaan. Fursadda dhaaftay ka fekeriddeedu waxay ka dhego iyo indho saabtaa fursadaha hadda uu jirsiin karo.

Qof kalena wuxuu sameeyaa laba-kacleyn. Quwad ka dahsooneyd in uu leeyahay ayuu adeegsadaa, dadaal iyo dardar hor leh ayuu la soo baxaa. Xawliga kabashadiisa iyo fursadaha u soo baxa isaga ayaa rumeysan waaya.

Dhicitaan, ka-kabasho iyo waliba in iskuulka laga gaaro libin aan la haweysan karin dhcitaanka ka hor, tusaale nool aniga ayaa ah.

Waan Dhacay

Ka dib marka aan Dugsiga Xannaanada carruurta ku qaatay Xamar, ayaan fasalka koowaad ee Dugsiga Hoose ka billaabay Buulo Burte.

Sannadka koowaad wuxuu u badnaa far barasho, qoraalka tirooyinka, isku darka iyo kala goynta, sawir lagu falaadayo midabbo kala duwan iyo wax aan ka fogeyn.

Fasalka labaad ee Dugsiga Hoose, waxaan dhiiqo ku galay xisaabta isku dhufashada iyo qeybinta iyo Afka Ingiriiska. Ficil, faacil iyo Mafcuul bihi iyaguna ima caawin.

Waxaa la ii soo dhejiyay in aan dhacay.

Cirku in uu igu soo dumay ayaan mooday. Waxay iila mid ahayd fashilka ugu weyn adduunka. Runtiina waa ay ahayd fashilkii ugu weynaa adduunkeygii maalintaas. Xataa ma hubin in aan abid ka soo waaqsan doono.

Federica Mogherini, Madaxii Arrimaha Dibadda Midowga Yurub. Brussels, 2017

Gacan qabashada ugu weyn waxay ahayd aqbalaad la i aqbalay iyo dhiirri gelin la i tusay in aan ka gudbi karo xaaladda.

Waalidkeey wuxuu ii muujiyay in aan wax hore la ii haysan oo ay igu jecel yihiin sideyda, hase yeeshee, hadda iyo ka dib la ila xisaabtami doono, gacanna la i siin doono.

Waxay u dhigantay in ay igu yiraahdeen, wakhti kaama tegin.

Waalid iyo walaalba waxaa naqtiin iyo barasho hor leh la iigu sameeyay maaddooyinka aan qaadanayay oo dhan. Waxaa xoogga la saaray Xisaab iyo Ingiriis oo ahaa labada aan dartood u dhacay.

Fasaxa Iskuulka markii laga soo laabtay, Xisaab iyo Ingiriis waxay noqdeen labada maaddo ee aan ugu wanaagsan ahay.

Saddex Imtixaan ayaa sannad kasta loo fariisan jiray. Fasal kasta marka aad ka gudubtana shahaaddo ayaa la bixin jiray sida jaldiga buugga u adag. Shahaaddada aan ka qaatay Fasalka labaad ee Dugsiga Hoose midabkeedu casaan xigeen ayuu ahaa.

Maaddada Ingiriiska waxaa iigu qornayd; Cashara, Cashara, Cashara. Oo macnaheedu yahay in saddexda imtixaan dhibacaha aan mid kasta ku baasay ay yihiin boqolkiiba Boqol.

Shahaaddada Fasalka labaad waxaan keydinayay ilaa aan Dugsiga Sare dhammeystay. Waxay horseed iigu noqotay khibrad aan marar badan ka shidaal qaatay oo dhaqan ii noqotay. Waa in sannad kasta hal maaddo ama dhowr aan

ugu sarreeyo fasalka ama iskuulka oo dhan. Ama in aan maddooyinka oo dhan marka la isku daro dhibcahooda aan anigu kuwa ugu badan haysto.

Waxay ii horseedday in markii aan gaaray Fasalka toddobaad ee Dugsiga Dhexe ilaa aan Jaamacadda dhammaysto aanan marnaba gelin kaalinta Saddexaad.

Fashil waxaa iila mid ahayd marka aan waayo kaalinta koowaad. Haddii la iga helo kaalinta koowaad, ma dhici jirin in aan tan labaad waayo.

Ardaydii aan wejiga ka dadbi jiray sannadkii aan dhacay, waxaa beddeshay in aan ka mid noqdo kuwa kalsoonida ku qaba natiijadooda ee aan la gabban. Intii aan iskuul dhiganay ugu yaraan saddex jeer ayaan xusuustaa in uu maamule igu casuumay daabbuurka ama safka iskuulka si aan ardayda ula hadlo.

Jaamacadda aniga ayaaba Guddoomiye u ahaa ardayda toddoba Kulliyadood oo xarunta Gahayr degganaa.

Gaar ahaan Maaddada Xisaabta ee horseedday in aan ku dhaco Fasalka labaad, waxay noqotay maaddada aan ugu wanaagsan ahay maaddooyinka aan qaato.

Macallin Dugsiga Sare mar ii dhigay Xisaab ayaan habeen is aragnay. Wuxuu i weydiiyay in aan Jaamacad aaday iyo in kale.

Markii aan u sheegay in aan Jaamacadda dhigto, wuxuu markiiba i weydiiyay Kulliyadda aan galay. Luqadaha marka aan dhahay wuxuu iigu jawaabay “waad tacaddisay.” Wuxuu raaciyay “Maxaad Xisaabta uga hartay!”

Xag shaqo marka ay noqoto, dhicitaankii Dugsiga Hoose igama hor istaagin in aan shaqooyin xirfadeed (professional) oo qaarkood heer caalami uu yahay aan tartan adag u galo kuna guuleysto.

Igama hor istaagin in aan caasimado aan dalkeenna ahayn oo shaqo i geysay aan ku guuleysto tartan oo aan Madax u noqdo boqollaal xirfadle oo ka kala yimid dhowr dersin oo dal, kuna nool oo ka shaqeeya qaaradaha oo dhan.

Fasalkeygii, kuraastii, miisadihii iyo sabbuuraddii, sawirradii derbiyada ku xardhanaa nooca ceramics loo yaqaan oo muujinayay qaaradaha adduunka, sawir koox kubbadda cagta Barazil ah oo ay dayaaradi la dhacday, xisadihii oo dhan, casharradii aan qaadanayay, macallimiintii wejiyadooda iyo waliba maamulihii iyo nadiifiyihii iskuulka, imtixaanaadkii geddigood, saaxiibbada cayaarta kulligood, wixii oo dhan ayaa sidii xusuusta aflaamta midba mar i hor yimid igana gudbay aniga oo aan macna u sameyn.

Wax aan yeelo ma aqoon. Waxa sidaan xigi doonana ma qiyaasi karin. Talo faraheyga waa ka baxday.

Waalidkeey ayaa markiiba igu soo rogay nidaam hor leh oo xakameynaya xorriyaddeyda.

Xakameyntaas uma arkeyn wax culeys ah.

Aniga ayaan xorriyadba dooneyn. Niyad uma hayo in aan banooni cayaaro iyo in aan webiga u dabaal tago toona.

Ma rabin in aan fiidkii soo cayaaro Quful-Naar, Kab-tuur ama cayaartii Xamar markii aan joogay ay walaalaha iga waaweyni cayaari jireen ee aan u aqaannay Kadhimeey kadhim, laakiin ciyaalka Buulo Burte ay u yaqaanniin Darbanow Darban aadna u jecel yihiin.

Ma ahayn keliya in aanan tamar u heyn oo aan niyad jabsanaa.

Waxaan ka dhuumanayay ardaydii kale. Xataa qof kasta oo iga soo hor baxa waxaan moodayay in uu og yahay in aan imtixaankii ku dhacay.

Madaxeyga waxaa buuxiyay ciil iyo caro. Waxaa ii wehliyay weji gabax aan foolka siin waayay waalidkeey, walaalaheey, dhallinyarada xaafadda, ardayda iyo macallimiinta Iskuulka.

Allah Jannada ha ugu bishaareeyo, Aabbahay iyo Hooyadeey iyo walaalaheey ayaa iga soo saaray xaaladdaas.

Dishibiliin adag ayaa la ii yeelay xagga wakhtiga dugsiga quraanka, xilliga aqoon barashada guriga, xilliga cayaaraha iyo dabaasha, xilliga nasashada iyo xilliga hurdada.

Igama hor istaagin in aan ka mid noqdo Madaxda dalkeenna ugu sarreysa oo aan Boqorro iyo Madaxweynayaal shir la galo, miisna aan kula cunteeyo.

Horumar nolosha laga gaaraa kuma xirna shahaaddo.

Shaqooyinka shahaaddo ku xiranna, kuma xirna oo keliya labo sano oo isku xiga oo la soo dhaafay midka aad shahaaddada qaadatay.

Maxaa hadda iiga xiran in aan iskuulka dhammaysan lahaa oo tababbarka Ciidanka ee Xalane aan qaadan lahaa sannad ka hor xilligii aan dhammeeyay oo ahaa 1981?

Dhicitaan waa sida aad ka dhigato.

Fursaddaada Maanta

Marka aan dib u fiiriyo, dhiciddeydii fasalka labaad ee Dugsiga Hoose, wax ay i tartay mooyee waxba iima dhimin.

Marka aan iskaa barbardhigo, waxaan aamminsanahay fursadda soo kabashada ee aad maanta haysataa in ay aad uga sarreyso middii aan haystay berigii aan ku dhacay Fasalka Labaad ee Dugsiga Hoose.

Marka koowaad waad ka da’ weyn tahay, kana aqoon iyo khibrad badan tahay heerkii aan maalintaas joogay.

Tan xigta, anigu ma haysan reknoolojiga casrigan jira ee waxbarasho iyo aqoon kororsi guudba loo adeegsado. Waxa aan doono Google ma weydiin jirin. Youtube cashar kama daalacan jirin amaba ima dhex fariisin jirin fasal Jaamacad qaarad kale ku taal. Ardayda kale iyo aqoonyahanka aan doonana WhatsApp kulama xiiriiri jirin marka aan doono. Dabcan teknoolojigaasi ma jirin.

Marka saddexaad, meeshii aniga ay dhiciddeydu ii gaarka ahayd oo ay igu noqotay ninkeed-guba’, maanta idinku waxaad haysataan taageerada shacabka oo ay ku jiraan waaliddiinta, Macallimiinta iyo maamulayaashu. Waa la idinla xanuunsaday. Waana la idiin garaabay.

Dhiirri gelintaasi waa in ay shidaal u noqotaa quwadda cusub ee dhacdadani idinka soo saari doonto. Quwad cusub oo aad u aydaan.

Wixii ku soo maray waa Tagto oo waxba lagama qaban karo.

Waxaa xiga waa waxa hadda taagan oo aad wax ka qaban karto. Iyaga ayaana go’aaminaya mustaqbalkaaga.

Tagtada waxaa ku xiga tan hadda la taagan oo ay tahay in ay go’aamiso sida ay noqoneyso timaaddadu.

Yuusuf Garaad Cumar
yusufgaraad@gmail.com