Zidane oo rajo ka qaba is beddel ku yimaada Ronaldo

0

Zinedine Zidane ayaa ka rajeynaya laacibkiisa Cristiano Ronaldo in uu sameyn doono wax uusan horay u sameyn mar haddii Real Madrid ay raacdo ugu jirto hanashada labadaba La Liga iyo Champions League waxaana xagaagan dhammaadka sii ah uu noqonayaa xagaa kale oo kooxdu ay ku indho furato.

Madrid ayaa hadda tartan adag ugu jirta labadaba in ay hanato sanadkan, waxayna hoggaamineysaa horyaalka, halka ay Bayern wareegga 8-da kooxood kula ciyaari doonaan Champions League.

Ronaldo ayaa ka mid ahaa xiddigihii ku hagay Madrid hanashada laba koob oo kuwa Europe ah kooxdiisa 3-dii xagaa ee lasoo dhaafay, Zidane ayaana filaya in kulamada soo socda uu lasoo bixi doono Burhaantiisa.

“Waxaan doonayaa in uu habkiisii ciyaareed soo muujiyo,” Zidane ayaa u sheegay Ronaldo, oo dhaliyay kaliya 19 goolasha La Liga ah sanadkan, wuxuu sidoo kale kaliya 2 ka dhaliyay Europe.

“Hagaag, waxaan ku leeyahay ma aysan dhammaan sanadahaadii, Jir ahaan waad wanaagsantahay waxaan kuu rajeynayaa in xagaagu uu dib kuugu fiicnaado.”

Zidane ayaa sidoo kale meesha ka saaray in Luka Modric, uusan ku faraxsaneyn lasii shaqeyntiisa Croatia wiilka u dhashay ayuuna ku sheegay laacibka ugu mudan ee kooxi heysan karto.

“Waa suuragal in aan ku qaldamay haddiiba aan iri warkaas,” ayuu ku daray. “waxaad ii sheegeysaa Arrimaha Modric waligey ma aanan sameyn qalad la mid ah in isagoo kale la diro, sided iigu sheegtay haddii aan sidaas iri in aan saxanahay?

“Walaac kama qabo, waxaan aad ugu faraxsanahay waxa uu garoomada ka sameeyo.”

Zidane kooxdiisa ayaa 2 dhibac u jirta kooxda Barcelona waxayna gacanta ku heysataa kulan dheeri ah, xilli ay Arbacada la ciyaareyso Leganes.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here