C/weli Maxamed Qanyare oo kuguuleystey kursi kamid ah kuraasta Aqalka Hoose

0

Doorashadii xubnaha aqalka hoose ee Galmudug aya saaka dib uga bilaabatay degmada Cadaado ee xarunta kumeelgaarka ah ee Maamulka Galmudug.

Kursigii ugu horeeyay ee maanta lagu tartamo ayaa waxaa ku guuleystey C/weli Maxamed Qanyare Afrax oo ah wiil uu dhalay siyaasigii Maxamed Qanyare waxana uu hore uga mid ahaa baarlamaanka dowlada Soomaaliya.

C/wali Qanyare ayaa 48 cod kaga guuleystay Bashiir Maxamed Caddow ooa ahaa musharaxii la tartamayey kaasoo helay labo cod, iyadoo hal codna uu xumaaday.

Kuraastii kale ee lagu tartamay maanta magaalada Cadaado ayaa waxaa kuguuleystey Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maamulka Galmudug Warsame Maxamed Xasan (Joodax) iyo C/kariin Khaliif Cabdi (Dhalac).

kanyare_1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here