Soomaali lagu eedeeyay Al-Shabaab oo lagu xeray dalka Uganda

0

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay qabteen shaqsi ay sheegeen in ka mid yahay Ururka Al-Shabaab dhalashadiisana ay tahay Soomaaliya.

Ciidanka ammaanka dalka Uganda ayaa xiray nin lagu magacaabo Maxamed Cabdi oo looga  shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya.

Ciidamada waxa ay sheegeen ka dib  howgal ka dhacay xadka u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Uganda in  lagu soo qabtay Maxamed Cabdi,  oo ay  sheegeen in uu gacan saar la leeyahay Al-Shabaab.

Maxamed Cabdi Cali ayaa waxaa xiray xafiiska socdaalka dalka Uganda ee degmada Busia, ee ku taalla xadka ay wadaagaan labadal.

Taliyaha Booliska Degmada Busia Nelson Nahabwe ayaa sheegay in ninkaan computerkiisa ay ka heleen waxyaabo muujinaaya in  uu gacan saar la leeyahay xarakada Al-Shabaab.

” Ninkaan ka dib markii aan ka qabanay xadka u dhaxeeya Kenya iyo Uganda waxaan ka helnay computerkiisa waxyaabo muujinaaya in uu gacan saar wanaagsan la leeyahay shabaab ,marka waxaa uu doonayay in uu tago Kampala ka dib uu kasii aado Koonfur Afrika , hada waxaan u gudbinay maxkamada la dagaalanka Argagixisada ee ku taalla Kampala ” sidaas waxaa yiri taliyaha ciidanka Booliska degmada Busia Nelson Nahabwe.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan dadka kale oo lagu tuhmaayo in ay ka tirsan Shabaab oo ay gacanta ku hayaan ,islamarkaana ay saxaafada u soo bandhigi doonaan.

Ciidamada Amaanka dalka Uganda ayaa waxa ay heegan buuxa uga jiraan dagaalyahanada Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka geysta dalalka ay Ciidamada Soomaaliya ka joogaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here