Doorashada aqalka hoose ee Jubbaland oo maanta lasoo Afjarayo

0

Gudiga doorashooyinka maamulka Jubbaland ayaa lagu wadaa in ay soo gabagabeeyaan doorashada aqalka hoose ee ka socota magaalada Kismaayo ee xarunta G/J/Hoose.

Doorashada aqalka hoose ee Jubbaland oo muddo labo maalin hakad ku jirtay ayaa shalay dib u bilaabatay waxaana manta la qorsheynayaa in lasoo afjaro.

Xildhibaanada ka imaanaya deeganada Jubbooyinka oo intooda badan la doortay ayaa kaliya waxaa harsan ilaa sedex kursi oo ah kuwa ugu dambeeyayo manta ayaana qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo.

Magaalada Kismaayo ayaa saaka ammaankeeda aad loo adkeeyay waxaana lagu wadaa in Magaalada lagu qabto munaasabad ku aadan soo gabagabeynta doorashada Aqalka Hoose ee degaanada maamulka Jubbaland.

Gudiga doorshada Soomaaliya ayaa Gudiga doorshooyinka maamulada dalka hori ugu sheegay in doorshada lagu soo gabagabeeyo 30-ka bishaan November.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here