Al-Shabaab oo gudaha u galay Tuulada Haluqa oo ka tirsan Gaarisa Kenya

0

Dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab, ayaa weerar ku bilaawday bambaano ku qaaday Tuulada lagu magacaabo Haluqa, oo ka tirsan magaalada Gaarisa, ee dalka Kenya.

Wararka ayaa intaa waxay ku darayaan in Al-Shabaab, gudaha u galeen Tuulada in muddo ahna halkaas ku sugnaayeen.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegaya in Al-Shabaab,  bambooyin  ku tuureen birta telefoonnada ee shirkadda Safaricom, ee ka shaqeeysa dalka Kenya,  taas oo sababtay in ay go’do isgaadhsiintii.

Al-Shabaab, ayaa iyaguna dhankooda sheegtay inay Dagaalameyaashoodu qabsadeen tuulada kadib markii ay dhowr jiho ka weerareen Tuuladaas Haluqa.

Al-Shabaab, ayaa weerarro khasaaro dhaliya ka geysta gudaha dalka Kenya, ka dib markii ciidamda Dowladda Kenya dalka Somaaliya soo galeen sanadkii 2011, ayaga oo ka mid noqday howlgalka Midowga Africa ee Amissom, oo dagaal kula jira Al-Shabaab.

Xarakada Al-Shabaab, ayaa weerarkii ugu waxyeelada badnaa waxa ay dalka Kenya ku qaadeen bishii April 2015-ka kaas oo ay ku qaadeen  Jaamacadda Garissa University, waxaan weerarkaas  ku dhintay ku  dhowaad 150 qof oo u badnaa ardaydii jaamacadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here