VIDEO: Marna Waad Naxaysaa, Marna Waad Qosleysaa Haddii Aad Aragto Waxa Uu Wiilkaani Ku Sameeyey Saaxiibtiis

0

sawirka-maska

Kani waa saaxiibka ugu xun ee ay rajeyn karto gabar kasta oo adduunka ku nool… Muuqaalkaan lasoo dhigay internet-ka wuxuuna si sahal ah ku noqday mid kala qeybiyey hablaha dhallinyarada ah iyo ragga.

Wiil ayaa wuxuu ku ciyaarayaa gabar ay saaxiib yihiin taasoo jiiftay sariirteeda si uu uga duubo muuqaal ilqabad leh oo la dhigo internet-ka. Laakiin si dhab ah ayey u naxday gabadhaani, waxayna ku sigatay inay waalato.

Derek Deso ayaa muuqaalkaan soo dhigay shabakadda YouTube, iyadoo wiilkaani uu soo watay asxaabtiisa si ay muuqaal uga duubaan gabadha uu saaxiibka la yahay oo uu ugu talogalay inuu laba mas oo waa weyn korka ka saaro.

Deso wuxuu hayaa kartoonkaas ay ku jiraan labadaas mas, wuxuuna kor saarayaa gabadhaan. Ka dibna wiilkii ay saaxiibka la aheyd ayaa hurdada ka kicinaya isagoo ku dhahaya: “Macaan, ha dhaqdhaqaaqin laba mas oo waa weyn ayaa korka kaa saaran”.

Wixii intaas ka dambeeyey gabadhaani waxay jabsaneysaa qeylo, waxayna ku siganeysaa inay waalato. Erayada ay ku qeylineyso waxaa ka mid ah: “Iga dulqaado masaskaan”. Mana u maleyso inay hadleyso muddo dheer ayeyna qeylineysay, saaxiibkeedna qosol ayuu uga baxay.

In ka badan HAL milyan oo shaqsi ayaa muuqaalkaan ka daawatay Youtube waxaana xusid mudan inay dadku ku kala aragti duwan yihiin, qaarkood waxay wiilkaan ku tilmaamayaan inuu gabadhaan ka qaaday tallaabadii ku habbooneyd, halka qaarka kale ay ku tilmaamayaan inuu yahay ninkii ugu xumaa ee ay gabari saaxiib la noqon kartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here