Maxaa looga hadli doonaa kulanka Baarlamaanka ee Maanta?

0

Kulanka Caadiga ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ku qabsoomi doona sida qorshaha yahay Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay mudaneyaasha horyaallaan dhowr Sharci oo la doonayo in ay Ansixintooda kaalin ku yeeshaan.

Waxaa Ajendaha ka mid ah Ansixinta Xubin ka tirsan Guddiga Madaxbanaan ee Hirgelinta Dastuurka, Qaybinta Warbixin la xiririirta  wax ka baddelka Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka iyo Dood ku saabsan.

Muumina Sheekh Cumar ayaa lagu daray guddiga Madaxa BVannaan ee Hirgelinta Dastuurka, waxaana ay maanta Mudaneyaashu Ansixin doonaan xubinnimadeeda.

Wax ka beddelka Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka ayaa sidoo kale ugu dambeyn ay mudaneyaashu kaga doodi doonaan Kulanka maanta oo Isniin ah dhacaya.