Xaaf oo Muqdisho soo gaaray & halka uu marayo Shirkii Jabuuti

0

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna ka qeyb geli doonaa shirka Amniga Soomaaliya ee maanta ka dhacaya Caasimadda.

Waxaa garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhoweeyay isaga iyo wafdigiisa, xubno ka tirsan Wasiirrada, Xildhibaannada iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya.

Keddib heshiis horudhac ah oo laga soo saaray Shirka ka socday magaalada Jabuuti ayuu madaxweynaha oo Toddobaad ku dhowaad halkaas ku maqnaa maanta u yimid Muqdisho in uu qeyb ka noqdo madaxda dowlad goboleedyada ee ka qeyb gelaya Shirka Amniga.

Madaxweyne Xaaf ayaa aad ugu faraxsan natiijada hordhaca ah ee kasoo baxday Shirkii ay isaga iyo Shiikh Shaakir oo hoggaamiya Ahlu-sunna ku gaareen Jabuuti, wuxuuna sheegay in taasi ay tahay guul usoo hoyatay dadka Gobollada Mudug iyo Galgaduud.