Xubno Shabaab ah oo lagu qabtay Shabeellaha Dhexe & Howlgallo weli socda

0

Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo lagu qabtay howlgalladii ugu dambeeyay ee dhinaca Amniga ee laga sameeyay gobolkaas.

Axmed Meyre Makaraan Gudoomiyaha Shabeelaha Dhaxe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Xarunta ah ee Jowhar ayaa sheegay in xubno badan oo Tuhun Al-shabaab ah loosoo qabtay baaritaan keddib qaarkood lasii daayay halka kuwo kalena ay noqdeen Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Axmed (Faal) ayaa daaha ka qaaday in xubnaha ay kusoo qabteen ciidamada Ammaanku howlgalladii ugu dambeeyay ay Maxkamadaha horgeyn doonaan.

Guddoomiyaha ayaa ballan qaaday in ay sii socon doonaan howlgallada lagula dagaallamayo Al-shabaab oo mararka qaar weerarro Ammaanka liddi ku ah ka geysta Gobolka, sidoo kalena weli joogitaan iyo Fariisimo ku leh Gobolkaas.