Waddooyinka Muqdisho oo loo xiray Shirka Amniga ee maanta Furmaya

0

Isu socodka Gaadiidka Waddooyinka Muqdisho ayaa hakad ku jira, iyadoo Ciidamo fara badan lasoo dhoobay waddooyinka waaweyn, sabab la xiriirta in la xaqiijiyo Nabadgelyo in uu ku qabsoomo Shirka Ammaanka ee Muqdisho ka furmaya.

Shirka Ammaanka ayaa Muqdisho ka socon doona Maanta iyo Berri oo Talaado ah, waxaana ka qeybgelaya Madaxda dalka ugu sarreysa, kuwa maamul Goboleedyada, Saraakiil Ciidan iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

Kaliya gaadiidka dowladda ayaa isticmaalaya waddooyinka waaweyn ee Muqdisho, iyadoo ay dadka Rayidka ah Lugeynayaan.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha dalka ayaa Shir guddoomin doona, shirka maanta furmaya, waxaana aad loogu dharaan-dhirin doonaa Xaaladda Ammaanka Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Horay ayaa loosii fasaxay Iskuulaadka iyo Jaamacadaha Qaar ee Caasimadda, waxaana sababay in labada Maalin ee shirku Muqdisho ka socda in aysan Ardaydu heli Karin gaadiid ay kusoo gaaraan Goobaha Waxbarashada.