Wejiga 3-aad ee Shirka Galmudug & Ahlu-sunna oo ka dhaici doona Dhuusamareeb

0

Wejiga seddaxaad ee Shirka ahna kan lagu soo Afjari doono guud ahaan Khilaafka u dhexeeya Ahlu-sunna iyo Galmudug ayaa ka dhici doona magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Halkaas hadda waxaa maamula Ahlu-sunna, waxaana Mas’uuliyiinta labada maamul ay maanta soo gaareen Muqdisho, halkaas oo marka Shirka Amniga uu kusoo idlaado ay kasii aadi doonaan magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa halkaas la qorsheynayaa in ay kusoo geba-gebeeyaan qodobbo ay sheegeen in ay uga wadahadli doonaan dalka Gudihiisa iyadoo aysan jirin cid ku dhexjirta labada maamul.

Shirka labadaan dhinac ayaa ka billowday markiisii koobaad magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana wejiga labaad lagu qabtay Jabuuti halka wejiga ugu dambeeya ahna kan mideyn doona labada maamul uu ka dhacayo Dhuusamareeb.

Kulankii ugu dambeeyay ee Jabuuti ka dhacay waxay kasoo saareen labada maamul madaxdoodu is Afgarad wanaagsan, dadka Gobollada dhexe ayaana rajo wanaagsan ka qaba in uu isku biirka Labada maamul wax badan ka beddeli doono deegaannada Galmudug.