Nuxurka Qudbaddii Furitaanka ee Farmaajo uu ka jeediyay Shirka Amniga

0

Madaxweynaha Dalka mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay shirka Amniga Qaranka oo Muqdisho ka socon doona, Maanta iyo Talaadada, wuxuuna furitaanka ka jeediyay hadal qiimo badan.

Farmaajo ayaa madashada ka sheegay in ay waajibaadka ugu waaweyn marka Ammaanka lasoo hadal qaado ka dhalan doonaan la dagaallanka Al-shabaab, kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin Halista ugu badan ee Ammaanka dalka.

Shirka oo daba socda midkii bishii May lagu qabtay Magaalada London, kaasoo Ammaanka iyo Dhaqaalaha Soomaaliya looga hadlayay.

Nuxurka Qudbaddii Farmaajo ee Shirka Maanta Furmay:-

  • Wuxuu sheegay in Ammaanka Soomaaliya ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM wax badan ka qabteen inta ay xukuumadda hadda jirto talada joogto
  • Ciidamada Xasilinta ayuu sheegay in ay wax badan ka beddeleen Ammaanka Muqdisho
  • La dagaallanka Al-shabaab ayuu aad ugu soo celceliyay, isagoo ku boorriyay xubnaha Beesha caalamka ee shirka jooga in ay ka taageeraan DFS in ay ka adkaato Ururkaas.
  • Horumarrada dhinaca Amniga ah ee la sameeyay wuxuu sheegay in ay qeyb ka yihiin in Saldhigyo ay kala wareegeen Al-shabaab
  • Is dhiibidda xubno ka tirsanaa Al-shabaab ayuu sheegay in ay wax badan kusoo kordhineyso Ammaanka

Farmaajo ayaa Kalsooni badan ka muujiyay in sanadka soo socda uu Ammaanka Soomaaliya Noqon doono mid la isku Halleyn karo.