Doorshada aqalka hoose oo maanta magaalada Garoowe dib uga bilaabaneysa

0

Wararka naga soo gaaray Caasimada Maamul Gobaleedka ee Puntland ayaa sheegaya in saakay dib uga bilaabatay halkaas doorshada aqalka ee Barlamaanka Soomaaliya oo maalmahan hakad ku jirtay.

Gudiga doorashooyinka dadban ee Puntland ayaa la sheegay in maanta ay dib u bilaabi doonaan doorashada xubnaha ku tartamaya kuraasta xildhibaanada aqalka hoose.

Maalmahan ayaa waxaa hakad ku jiray doorashada ka socota magaalada Garoowe sababo la xiriire muran ka dhex dhashay qaar ka mid ah beelaha kasoo jeeda deegaanada Puntland iyo dhaqaalo daro.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Puntland Khaliif aw Cali oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay  in maanta Magaalada Garoowe lagu dooran doono ilaa iyo saddex kursi oo ah xildhibaanada aqalka hoose .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here