FACEBOOK MA AALAD FISQI AH, MISE AALAD FIICAN: 10 Dhacdo Oo Yaab Leh Ayaan Idinkaga Heynaa (Qeybta 1aad)

0

czech-republic

Facebook waa mareegaha leh shacbiyadda ugu badan adduunka isla markaana ay ku xiran yihiin dadka ugu badan dunida, qaarkood waa ay ku xiriiraan qaarkoodna waxay ku horumariyaan ganacsigooda.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu muransan yahay inuu Facebook adduunka ka caawiyey inuu hore u socdo iyo inuu keenay fisqi aan loo baahneyn. Halkaan waxaan kusoo gudbin doonaa toban daqiiqo oo muujineysa inuu Facebook yahay aalad si dhab ah u anfacday adduunka.

Tobankaan sheeko ee aan idinla wadaagi doono isla markaana aan qeybteeda hore halkaan ka bilaabi doonto, qeybtaas koowaad oo seddax dhacdo ka koobnaan doonta intuba waxay ka dheceen Facebook. Qaarkood qosol iyo qareexo ayey leeyihiin qaarkoodna qamuunyo.

01 – Haweeneey sawirka u saarnaa barteeda Facebook laga xaday loona isticmaalay xayeysiin shirkad ka dhisan Czech Republic

Shirkaddaani laga leeyahay dalka Czech Republic ayaa dooneysay inay usoo bandhigto macaamiisheeda karaka ay ugu hambalyeyneyso Ciidda Masiixiga… Laakiin ugu dambeyn waxaa la ogaaday in aysan laheyn sawirkaan, kuna darso waxaa laga soo xaday Faceboo.

czech-republic

Milkiilaha shirkaddaas oo lagu magacaabo Mario Bertuccio ayaa wuxuu markii dambe u sheegay saxaafadda inay eedda oo dhan leeyihiin shaqaalihiisu maadaama ay sawirkaan ka keeneen baraha bulshada.

02 – Haweeneey Xanuunsan Oo Laga Jartay Mushaarka Ka Dib Sawirro Iyadoo Ku Baashaaleysa Xeebta Ay Soo Dhigtay Facebook

Nathalie Blanchard, waxay kasoo jeedaa Quebec xanuun ayey muddo dheer ka cabaneysay, waxayna fasax muddo hal sanno iyo bar ah ka heshay shirkaddii ay u shaqeyneysay ee fadhigeedu ahaa Bromont. Wixii intaas ka dambeeyey waxay ilowday marmarsiyadii ay kusoo fasax qaadatay waxayna damaashaad iyo baashaal u aaday xeebta halkaasoo sawirro ay isaga soo qaaday ay soo gelisay Facebook.

depressed-woman

Taasi waxay u horseeday inay shirkaddii ka joojiso mushaarkeedii billaha ahaa, wixii intaas ka dambeeyey waxay xiriir la sameysay waaxda ceymiska waxaana loo sheegay in sawirrada laga helay oo ay ku jiraan kuwo ay u dabaaldegeyso dhalashadeeda ay noqdeen caddeyn kaga filaanatay shirkadda inay mushaarka ka joojiso.

3 – Lammaane Akhbaarta Arooskooda Durba Hore Ka Dhigay Facebook Inkastoo Aysan Weli Xafladdu Dhammaan

Tani waxay tusaale u tahay inuu adduunku noqday hal guri. Lammaanahaani waxay hortaagnaayeen wadaadkii Masiixiga ahaa ee isku mahrinayey. Markii uu maharkoodu dhammaaday. Caruuska Dana Hanna oo ah Software Developer ayaa wuxuu akhbaartaas ku qoray akoonnadiisa Facebook iyo Twitter.

the-ggroom

Sidoo kale xaaskiisa ayuu siiyey telefoon kale si ay iyana u update gareysato akoonnadeeda baraha bulshada isla markaana warkaan farxadda le hula wadaagto macaamiisheeda. Sidaas darteed Facebook wuxuu kaa caawinayaa inaad la wadaagto asxaabtaada tallaabo kasta oo aad qaaday.

La soco qeybta labaad ee sheekooyinkaan xiriirka ah xilligaan oo kale habeen dambe haddii Alle Idmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here