Gudoomiye kumeel gaarka ah oo loo magacaabay Maxkamadda G/Banaadir

0

Gudoomiyaha Maxkamdda sare ee Soomaaliya ayaa gudoomiye Kmg u magacaabay maxkamadda Gobalka Banaadir.

Ibraahim Iidle Saleemaan, Gudoomiyaha Maxakamadda sare ee dalka ayaa si KMg maxkamadda Gobalka Banaad ugu Dr Aweys Sheekh C/llaahi Weheliye, ka dib markii maalmo ka hor shaqad uu ka joojiyay Gudoomiyihii maxkamadda G/Banaadir Xaashi Cilmi Nuur.

Gudoomiyaha shaqada laga joojiyay ayaa lagu eedeeyay in si habsamileh ay usocon weyday shaqada garsoorka Gobalka iyo Banaadir iyo dacwado badan oo la sheegay in laga gudbiyay.

Arintaan ayaa waxa ay kusoo beegmeysaa iyadoo Madaxweynaha Dowladd Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud 6 Bishii September ee Sanadkaan Warsaxaafadeed  uu soo saaray ku sheegay in aan Qofna Xilka laga qaadi karin lana Magacaabi karin inta lagu guda jiro Xilliga kala guurka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here