Kenya oo Mareykanka ka caawineysa Duqeymaha ka dhanka ah Al-shabaab

0

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay sare u qaadi doonto duqeynta ay la beegsaneyso dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay in ay buux dhaafiyeen gobolka Gedo.

Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada Difaaca Kenya ayaa u sheegay Wargeys ka soo baxa Kenya in ay qaadi doonaan tilaabooyin deg deg ah oo arintaasi wax looga qabanaayo.

Waxaa uu sheegay in ay suurtagal tahay in Al-Shabaab ay kasoo gudbaan gobolka Gedo, islamarkaana ay soo galaan dhulka Keynta ah ee ku yaalla Kenya.

Maalmhii lasoo dhaafay ayuu xusay in ay wadeen howlgallo kala duwan oo lagu xaqiijinaayay Guud ahaan Ammaanka Xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Boqolaal ka mid ah Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa gaaray degaano ka tirsan gobolka Gedo sida uu horay Risaala ugu xaqiijiyay Gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in la duqeeyay qaar ka mid ah dagaalyahanadii halkaasi gaaray.