Nin Soomaali Ah Oo Daganaa Gobolka Galgaduud Oo Ku Dhaqaaqay Fal Ay Aad Uga Naxeyn Umadda Soomaaliyeed

0

filimside-galgaduud

Daahir Cumar Xuseen, ayaa habeenkii Isniinta isu daldalay Deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud, ka dib markii ay ka la’deen xoolihii uu dhaqan jiray.

Muuse Nuux oo uu adeer u ahaa ninka odayga ah ee is dilay, ayaa sheegay in uu iska soo raaraariciyay geed ku yaala Gobolkaas, ka dib saamaynta ay abaartu ku yeelatay xoolihiisii.

Muuse Nuux, ayaa sheegay in adeerkii la keenay Deegaanka Baxdo, markii la sheegay inuu xanuunsan yahay, isagoo intaa ku daray inaanu muddo bil ihi seexan, sababo ku aadan walaaca uu ka qaaday abaaraha.

Nuux oo la hadlay Radio Mustaqbal, ayaa xaqiijiyay in adeerkii uu ifka uga tagey laba xaas iyo carruurba, mid ka mid hablaha uu dhalayna ay reer leedahay.

Qaybo badan oo ka mid ah Gobolada Wadanka, ayaa waxaa laga soo sheegaya abaaro baahsan oo ka jira, tiiyoo aysan jirin gurmadyo sax ah oo illaa iyo hadda la gaarsiiyay dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Afhayeenka Hay’adda Culima’udiinka Somaliyeed, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, ayaa shacabka Somaliyeed dal iyo dibadba ugu baaqay in loo gurmado dadka ku dhaqan deegaanada ay abaaruhu ka jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here