Qarax ka dhacay Villa Baydhabo, Yey waxyeello kasoo Gaartay?

0

Qarax gaari lagusoo xiray ayaa ka dhex dhacay Xarunta ay degganyihiin Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka ee Villa Baydhabo oo Muqdisho ah.

Gaariga ku dhex qarxay xarunta Villa Baydhabo ayaa la sheegay in uu ahaa mid nuuca Raaxada ah oo uu lahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda, isla markaana qaraxa loogu xiray.

Baaritaannada ka jira waddooyinka Muqdisho ayaan sida badan Saameyn ku yeelan Madaxda iyo Saraakiisha Dowladda, waana middaas tan sababtay in Gaarigaas isagoo Qarax ku xiranyahay uu galo xarunta Villa Baydhabo.

In kastoo aan la ogeyn Khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay, haddana waxaa la sheegayaa in 4 Askari ay ku dhaawacmeen Qaraxaas.