Shacab lagu dilay Gobolka Hiiraan

0

Dad Shacab ah ayaa Dil iyo Dhaawac loogu geystay deegaan hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Tuulo lagu magacaabo Gafiir oo ka tirsan kuwa hoostaga Maxaas ayaa la sheegayaa in lagu dilay 2 qof oo Rayid ah, halka sidoo kale lagu dhaawacay 3 qof, kuwaas oo dhammaantood ahaa dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay Arkeen Meydadka iyo dhaawacyada dadkaas, isla markaana aan la ogeyn cidda dishay iyo Sbaabta ka dambeysay dilka loo geystay dadkaas Rayidka ah.

Isbitaalka Beledweyne ayaa loola cararay dadka dhaawacyada ah, halka kuwii dhintayna ay sheegeen Culimada iyo Odayaashu in la aasayo.

Maamulka Gobolka ayaa laga sugayaa in ay Baaritaan ku sameeyaan waxa sababay dhimashada iyo dhaawacyada dadkaas loo geystay iyo cidda ka dambeysay intaba.