Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdulaahi Colaad Rooble oo ku guuleystey doorashada Aqalka Hoose

0

 

Doorashooyinkii Aqalka Hoose ayaa dib uga bilowday maanta magaalada Jowhar kadib markii uu hakad kuyimid muddo toddobaad ah.

Kuraasta maanta loo tartamay ayaa waxaa kamid ahaa kursi uu ku tartamayay Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta dowlada federalka C/laahi Colaad Rooble.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/laahi Colaad Rooble ayaa ka guuleystay xubnihii kale ee uu la tartamayay, waxaana uu ka mid noqday xubnaha Baarlamaanka cusub.

Sidoo kale Doorashada ka socota Magaalada Jowhar waxaa ku soo baxay Samiira Xasan C/lle oo 51cod ayadana ay heshay iyo Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed oo 29 Cod kaga guuleystay murashixiinta la tartamaysay oo kala ahaa Bashiir Macallin Aaden iyo C/laahi Aaden Muuse.

Waxaa kaloo zoo baxay Yuusuf Xuseen Afrax oo ku soo baxay 29cod waxa uuna wareeg labaad kaga guuleystay Yoonis Xasan Xaaji oo keenay 21cod.

dorasho-jowhar-8 dorasho-jowhar-7 dorasho-jowhar-6 dorasho-jowhar-5 dorasho-jowhar-4 dorasho-jowhar-3 dorasho-jowhar-2 dorasho-jowhar-1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here