Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay heeleen deeqo waxbarsho oo dalka dibadiisa ah

0

Wasaarada Waxbarashada Xukuumadda  Soomaaliya ayaa sheegtay in sanadkaan ay ku raja weyn yihiin  in ardayda Soomaaliyeed ay helaan deeqo waxbarasho oo kala duwan oo dalka dibadiisa ah.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Cali Xaashi, oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ku dhawaad 7 dowladood  Soomaaliya, u balan qaadeen in ay siinayaan deeqo Waxbarasho.

Cabdiqaadir Cali Xaashi wasiirka waxbasrahada Soomaaliya  ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan dowlahaasi dhawaan  lasoo geli doonaan heshiisyo rasmi ah.

Wasaarada waxbarashada Soomaaliyeed ayaa sanadyadii lasoo dhaafay waday horumo kala duwan oo ay ku doonayso in ay ardayda Soomaaliyeed ay ku siiso deeqo waxbarasho oo dalka dibadiisa ah.

Arday badan oo Soomaaliyeed ayaa hadda dalka dibadiisa ugu maqan deeqo waxbarsho oo kala duwan oo wasaaradda waxbarshada ka heshay dalal dhowr ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here