War-saxaafadeed: Masuuliyiinta Sool iyo Sanaag ku matala DFS oo ku kala qaybsan Dagaalka Tukaraq

0

Wasiiradda iyo Xildhibaan kasoo jeedda  Gobollada Sool,Sanaag iyo Togdheer ee ku jira dowladda dhexe ee Soomaaliya  ayaa baaq ka soo saaray colaadda Degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool.

11 Xildhibaan iyo Wasiir ka tirsan dowladda ayaa sheegay in degaanada lagu muransan yahay ay hoos taggaan maamulka Puntland.

Sidoo kale xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowlada ayaa dhankooda sheegay in degaanada lagu muransan yahay ay hoos taggaan maamulka Somaliland.

Labada dhinaca oo ujeedadoodu tahay ku baaqidda in Xabadda la joojiyo ayaa haddana kala aaminsan in Gobollada la isku heysto ay hoostagaan Maamullada Puntland ama Somaliland.