Aqriso Warbixin Xiiso Leh oo uu idin soo aruuriyay Idiris Abdulkadir Mohamed… Bal wax badan ogow Arinta bada

0

Aqriso Warbixin Xiiso Leh oo uu idin soo aruuriyay Idiris Abdulkadir Mohamed… Bal wax badan ogow

  • Dhirirka Badda La Isku Heysto…

Kenya iyo Somaliya ayaa ku dagaalamaya Bad ama dhul biyeed dhan 11,67-Ś, Waa dhul weyn.

Biyaha hoostiisa waxaa ku jira shidaal iyo Saliid, (Ogow dhul badeedka la isku heysto wuxuu xigaa dhinaca Somaliya ).

  • Meeqo Jeer ayey Kenya Baareen Shidaalka?

44 jeer ayey sheegayaan The Guardian in Kenya oo kaashaneeysa shirkado ajaaniib ah ay shidaal ka baareen dhulka biyeedka ama badda la isku heysto.

1 jeer oo kaliya ayaa shidaal laga helay, taas oo keentay in Kenya ay islaheeysiyaan baddaas.

  • Goormee Somaaliya Dacwad ka gudbisay Kenya?

28 Agoosto sanadka 2014 ayaa Dowladda Somaliya waxa ay dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Maxkamadda ICJ.

  • Meeqo Maalmood ayey qaadaneeysaa Dacwadan?

4 maalmood ayaa lagu wadaa in dacwadda Somaliya iyo Kenya lagu soo gaba-gabeeyo lakin go’aan waxaa laga sugayaa Maxkamadda. Waxaase dhici karta Sanado ama bilooyin in dacwada ay socoto….

Wax racfaan ah lagama qaadan doono go’aan walbo oo maxkamadda ay gaarto.

  • ICJ Maxaad Ka Ogtahay ?

Maxkamadda ICJ (international Court Of Justice) waxa ay ku taalaa wadanka Holland, waxaa la dhisay 71 sano ka hor. Waxa ay hoostagtaa Qaramada Midoobay, waa Maxkamadda kaliya ee dacwadahaan qaada.

Ronny Abraham ayaa hadda gudoomiye ka ah Maxkamadda ICJ, kuxigeenkiisa waa nin soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdulqaawi Axmed Yusuf lakin looma ogola dacwadda Kenya iyo Somaliya inuu qaadi ka noqdo.

  • Saddaxda Bad ee Afrika ugu Kaluunka Badan

– Moroko

– Liibiya

– Somaliya

  • Xeebta ugu dheer Qaaradda Afrika

Somaliya waxa ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika. Sidoo kale Badda Soomaaliya waxaa loo qeybiyaa Badda Cas iyo Badda India…

  • Waa Kuwee Dalalka Bad ama dhul biyeed Isku Heysta…?

– China iyo Thailand

– Qadar iyo Baxreen

– Sacuudiga iyo Qadar

– Maroko iyo Sinigaal

– Somaliya iyo Kenya

  • 2009 Maxaa dhacay ?

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxman C/Shakuur oo waqtigaas wasiir ahaa ayaa Hashiis la gaaray Kenya.

Hashiiska wuxuu salka ku hayay in Somaliya ay baddaas u saxiixdo Kenya, taas oo keentay in Kenya ay maraakiibtooda dagaalka u dhaqaajiyaan halkaas.

  • Yaa Saxiixay Hashiiska ?

Waxaa si rasmi ah u saxiixay oo waliba isaga afkiisa ka qirtay Cabdiraxman C/Shakuur oo sheegay in amarka badda lagu iibiyay uu bixiyay Cumar Cabdi Rashiid.

Dadka lagu eedeynayo in badda Somaliya ay iibiyeen waxaa ku jira Shariif Xasan Sheekh Adan, Cumar Cabdi Rashiid, Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur iyo Xildhibaan Xidig.

Hadda xaalka ma sahlana, maanta Kenya ayaa dacwadooda laga dhageystay, Barito Somaliya ayaa laga dhageysan doonaa… Bal Fikirkaaga soo bandhig, sidee u aragtaa arintaan ?

Waxaa Qoray: Idiris Abdulkadir Mohamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here